Dagaal ka dhacay deegaanka Buufow ee gobalka shabeelaha Hoose.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, weerar culus o xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaanka Buufow Bacaad ee duleedka magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.


Dadka degaanka Buufow, ayaa warbaahinta sareeyeu sheegay in Saldhiga Ciidamada AMISOM uu ka dhacay dagaal muddo saacad ku dhow socday, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.


Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan, in dagaalkaas uu ku geeriyoodey hal ruux laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ahaa dad Rayid ah deganaa meel u dhow Xerada Ciidamada AMISOM ee la weeraray.
Dad ku sugan degaanka Buufow ayaa sidoo kale sareey u sheegeen in Ciidamada AMISOM ay tiro madaafiic ah rideen kadib markii dagaalka uu dhacay,hayeeshee lama shaacin wax khasaaro ah oo ka dhashay madaafiicdaas.