Hay, adda caddaaladda ee Amnesty ayaa dowladda kenya ka cod satay in ay wareejiso C/rashid (Janan).
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ka codsatay dowladda Kenya inay qabato islamarkaana ku wareejiso dowladda Federaalka soomaaliaya Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland C/rashiid (Janan) oo 28 Jannaayo ee bishii hore ka baxsaday Xabsi ku yaal magaaladda Muqdisho.
Amnesty waxay sheegtay in c/rashiid Jannan loo haysto danbiyo culus oo uu gaystay oo lidi ku ah xuquuqda aadanaha loona baahan yahay in degdeg loogu wareejiyo dowladda federaalka si maxkamad loo saaro. Amnesty waxay dowladda federaalka ugu baaqay in maxkamadaynta Wasiir Janna ay noqoto mid waafaqsan sharciyada caalamiga ah.
C/rashiid Jannan ayaa ka dib markii uu ka baxsday xabsigii lagu hayay ee Muqdisho wuxuu doon ku tagay magaalada kismaayo 31 Jannaayo, isagoo isla maalintaas diyaarad u raacay magaalada Nairobi halkaasi oo uu hadda ku sugan yahay..