Cali Daahir Ciid oo ku guulaysaty madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Xildhinaanada baarlamaanka galmudug ayaa madaxwayne kuxigeen u doortay Cali Daahir Ciid xilkaan oo ay u tartamayeen Shanta musharrax ayaa waeeegii koowaad kala helay: Cabdiqani Sheekh Cali Diini 26 cod, Cali Daahir Ciid 26 cod, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) 12 cod, Saadaq Cabdullaahi Xaashi 7 cod iyo Axmed Taajir Yuusuf Warsame oo isna helay 6 cod.
Sidoo kale waxaa wareega labaad u gudbay afarta musharrax ee ugu codadka badnaa wareega 1-aad, balse inta aysan bilaaban codeynta ayaa waxaa taanusalay musharraxiinta Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Saadaq Cabdullaahi Xaashi.
Sidaas daraadeed waxaa wareega labaad oo aad u adkaa ku tartamay, Cabdiqani Sheekh Cali Diini iyo Cali Daahir Ciid oo min 26 dhibcood kala helay wareegii 1-aad.
Sida uu shaaciyey guddoomiye Gacal waxaa ugu dambeyn xil ka madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku guuleystay musharrax Cali Daahir Ciid oo helay 46 Cod halka Cabdiqani Sheekh Cali Diini uu helay 31 Cod.