Sucuudi Carabiya oo walaac xoogan ka muujisay cudurka ka dilaacay Shiinaha.
Wasiirka Caafimaddka Sucuudi Carabiya Towfiq Al-Rabiah ayaa xaqiijiyey in dalkiisu ay taxadir weyn ka muujinayaan in aanu soo gaarin cudurkan dilaaga ah ee kusii faafaya wadmo badan sida Faransiiska, Japan iyo Maraykanka.
Wasiirka ayaa hadalkiisa intaa ku daray in dadka imaanaya Boqortooyada la marsiin doono baaritaano caafimadd oo heer sare waliba kuwa sida tooska ah ugu imaanaya Wadanka Shiinaha.
Xarunta dhexe ee Caafimaadka Sacuudiga (NCDC) ayaa waxaa la galiyey heegan.
Wasiir Towfiiq ayaa xaqiijiyey in wasaaradiisu ay koontorooli doonto guud ahaan xarumaha Caafimad ee dalka maadaama ay jirto baqdin ah in ay suurtagal tahay in cudurkan uu soo gaaro Bqortooyada Sucuudiga, waxaana ay sheegtay in sidii wax looga qaban lahaa cudurkan ay kala shaqayn doonaan hay’adda jimciyadda Quruumaha u qaabilsan Caafimaddka aduun ee WHO iyo wadamada fayraskani uu dhibaatada ku hayo.