Abiy Ahmed oo shaaciyey kulan saddex geesood ah oo uu la yeelan doono Farmaajo & Afwerki.
Abiy axmad ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Waxaan la kulmi doonaa walaalahey, hoggaamiyayaasha Eritrea iyo Somalia. Madaxweyne Isaias Afwerki iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi. Waxaan kala hadli doonaa arrimo kala duwan.”
Qoraalka ayaa intaas ku daray in kulanka uu ka dhici doono magaalada Asmara. “Sida caadada ah, waxaan hubaa in magaalada soo dhoweynta leh ee qaaliga ah ee Asmar ay joogitaankeena ka dhigi doonto mid farxad leh.
Abiy Ahmed ma uusan shaacin goorta uu kulanka dhici doono.