Xanuunka ka dilaacay shiinaha oo wadamo hor leh ku sii faafaya.
Dalka shiinaha ayaa waxaa ka dilaacay cudur side fayras ah kaas oo kalaaftay nolosha ilaa iyo haaytan inta la ogyahay 41 qof halka ay la ildaranyihiin 1200 oo kale.
Waxaa go,doon la geliyay magaalooyin waawyn oo ku yaala dalka shiinaha kuwaas oo dowladda shiinuhu ay xayiraad ku soo rogtay in la galo ama laga baxo.
Feyraskaan cudur sidaha ah ayaa u tallaabay dalal ay ka midyihiin Mareykanka, Australia, Faransiiska iyo Tailand.
Waxaana lagu soo waramayaa in xanuunkaan aan la garaneyn si ba,an ugu faafayo waddamo badan oo dunida ka mid ah.
soomaaliya oo ka mid ah dalalka xidhiidhka ganacsiga laleh dalka shiinaha ayaa shacabka soomaaliyeed waxay ku baaqayaan in baaritaano lagu sameeyo dadka iyo alaabaha ka soo gala dalka shiinaha si looga hortago in fayraskaas si fudud u soo galo dalka, inkastoo aan weli la sheegin in xanuunkaan uu u soo gudbay qaaradda Afrika.
Saraakiisha caafimaadka ayaa loo bahanyahay in shacabka ay la wadaagaan wacyi gelin caafimaad oo ku aaddan feyraska sii faafaya ee faraha kulul ku haya dunida.
Qaar kamid ah shacabka soomaaliyeed ayaana isweydiinaya waxa uu yahay xanuunkaan oo aany ka war haynin siyaabaha lagu kala qaado.
Wasaaradda caafimaadka ee dowladda soomaaliya ayaa loogu baaqay in digniin caafimaad ay ka soo saarto xanuunkaan halista ah.