Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.
Kaaliyaha
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor P. Nagy ayaa safar uu ku yimid
magaalada Muqdisho, Isaga iyo Raiisul Wasaare Xasan Khayre ayaa yeeshay
kulan ay kaga wada hadleen dib uhabaynta amniga iyo horumarinta
dhaqaalaha.
Kaaliyaha Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga
go’antahay dowladda Mareykanka in ay taageerto dadaallada dowladda Soomaaliya
ay ku hormarineyso nabadda iyo in lala dagaallamayo Al-Shabaab.
Intii lagu guda jiray booqashadiisa, Kaaliyaha
Xoghayuhu wuxuu sidoo kale la kulmay wakiilo ka socda bulshada rayidka ah iyo
siyaasiyiinta mucaaradka.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka
Tibor P. Nagy oo safar dheer kusoo kala bixiyay dalal badan oo Afrikaan ah,
ayaa ujeedada safarkiisa waxaa lagu tilmaamay inuu iftiimin doono sida ay
Mareykanku uga go’antahay la shaqeynta dhalinyarada Afrika. Wuxuu horumarin
doonaa Barnaamijka Iskaashiga Jaamacadda, oo ah barnaamij cusub oo loogu
talagalay in lagu dhiirrigeliyo iskaashiga ka dhexeeya jaamacadaha Mareykanka
iyo Afrika.
Booqashadiisa ayaa sidoo kale iftiimin doonta
sannad-guuradii 10-aad ee Hoggaamiyaasha Hoggaanka Da’yarta ee Afrika (YALI),
oo ah barnaamij ka dhalinyarada Afrikaanka u fududeynaya xiriirrada ay la
leeyihiin asaagooda Mareykanka iyo guud ahaan Afrika.
Soomaaliya waxay kamid tahay lix waddan oo uu
kuxigeenka xoghayuhu ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay kor u qaadista
dowlad wanaagga. dimoqraadiyada, horumarinta nabadda, amniga gobolka, la
dagaallanka musuqmaasuqa, iyo xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashiga.