Ciidamada kenya oo burburay Xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

Tan iyo intii ciidamada kenya ay soo galeen gudaha soomaaliya waxaa jira cabashooyin badan oo ka soo yeedhaya dadka degan deegaanada ku teetsan soohdinta u dhexeeysa soomaaliya iyo kenya,

Bulshada ku nool degaanada u dhaw dhaw xuduuda soomaaliya ay la wadaagto kenya ayaa ka cabanaya isgaarsiin la,aan ka dib markii ciidamada kenya ay burburiyeen birihii isgaarsiinta ee shirkadda Hormuud,

shacabka soomaaliyeed ayaa aad ugu xumaaday falalka guracan ay ciidamada kenya u geesanayaan hantida soomaaliyeed.

qaar ka mid ah shacabka soomaaliyeed ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga hortago xad gudubyada ay geesanayaan ciidamada kenya.

shirkadda Hormuud ayaa ah shirkad isgaarsiineyd oo intabadan ay adeegsadaan shacabka soomaaliyeed ayadoo u qabata adeegyo kala duwan.

walow dowladda federaalka soomaaliya ay ka hadashay dhacdadii ugu dambeysay ee ciidamada kenyaanku ay ku burburiyeen birihii isgaarsiineed ee Hormuud ayaa haddana weli shacabku waxay daremayaan gaabis ka jira dhanka dowladda iyo baarlamaanka soomaaliya.

ilaa goormee ay sii soconeysaa in ciidamada kenyaaku sidii ay doonaan ugu takri falaan hantida ay leeyihiin dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka u dhaw dhaw soohdinta u dhexeesa soomaaliya iyo kenya?

goormaase dowladda soomaaliya ay u diri doontaa ciidamo ilaaliya xudduudaha dalka soomaaliya uu la wadaago dalalka kenya, ethiopia, iyo Djabouti,

si shacabka soomaaliyeed ee ku nool xdudduudahaasi ay u dareemaan necaawda dowladnimo?