Dhulgariir Khasaare Badan Dhaliyey oo ku Dhuftay dalka Turkiga.
Dhul-gariir cabirkiisu yahay 6.8 ayaa ka dhacay Bariga dalka Turkiga, halkaasi oo uu ku dilay 18 qof, islamarkaana ku dhowaacay in ka badan 500 oo kale, Waxaana la rumaysan yahay inay 30 qof ku hoos jiraan burburka dhismooyinka.
Dhul-gariirka ayaa laga dareemay dalal ka fog Turkey, hase yeeshee wax khasaare nafeed ah ama burbur lagama soo sheegin, Waxaana Wasiirka caafimaadka Turkigu sheegay sheegay in kooxaha gurmadka ee gobollada kale loo diray halka dhul-gariirka uu ka dhacay, ayada oo ciidamadana heegan la geliyey.
Boqolaal qof ayaa guryo la’aan ah iminka, ayada oo guryahooda ay ku burbureen dhul-gariirka, Qiyaastii 30 dhisme ayaa ku burburay dhul-gariirka oo saameeyey la gobol.
Waxaa la arkayey Kooxaha gurmadka oo dad dhaawac ah kasoo hoos saaraya dhismayaal burburay, degmada Gezin eee gobolka ku yaalla Bariga ee Elazig.
Madaxweyne Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in la qaaday tallaabo kasta oo muhiim ah, si loo xaqiijiyo khasaaraha dhimasho ee in dhul-gariirka uu noqdo midka ugu yar.