Dowladda soomaaliya oo ka tacsiyadesay geeridii Fanaan Daa’uud Cali Masxaf.

 Allaha u naxriistee waxaa magaalada JigJiga ee caasimada dowladd deegaanka Itoobiya ku geeriyooday fanaankii Soomaaliyeed ee Daa’uud Cali Masxaf oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanayey dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare  Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u diray dhamaanba umada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Fanaanku, waxaana uu sheegay in uu wakhti badan uu ku bixiyey horumarinta fanka Soomaaliyeed.

“‎Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed bahda fanka iyo ehelkii uu ka baxay Daa’uud Cali Masxaf, marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa jano ka waraabiyo ehelkiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.