Kuuriyada Koonfureed oo ciidamo u diraysa Bariga Dhexe.
Dowladda Koonfurta Kuuriya ayaa waxaa ay ciidamo u direysaa biya mareeynka Caalimiga ah ee Hurmuz sida lag soo xigtey saraakiil militeri oo reer Koonfur Kuuriya ah.
Xukuumadda Soyool ayaa ku canda cooneysa in ay ka cabsi qabto amniga muwaadiniinteeda iyo maraakiibteeda maraya biyaha Caalimiga ah.
Kuuriyada koonfureeda ayaa waxaa ay ka cabsi qabtaa in uu saamayn ku yeesho hardinka u dhaxeeya xukuumadaha Tehraan iyo Washington.
Waxaa kaloo la sheegayaa qiyaastii sanaddkii 900 oo mar ay adeegsadaan Maraakiibta ay leedahay, Dowladda Kuuriyada koonfureed dhinaca kale 70% maraakiibta saliida Caalamka ayaa waxa ay maraan biya mareenka Caalimiga ah ee Hurmuz sidaa daraadeed waxaa uu xil naga saran yahaya amaanka biyahaasi ayaa lagu yiri war laga soo xigtay wasaaradda Difaaca Siyool.
Taliska Dowladda Koonfur Kuuriya ayaa waxaa kaloo ay sheegeysaa in ay diyaarisay ciidamo qaar kamid ah ciidamada dalkaas oo ku biiri doonto hawlgalka Caalimiga ah ee ka soconaya xeebaha Afrika.