Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Hir shabeele oo la xaliyay.
Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Hirshabeele ayaa kulan casho sharaf ah oo lagu xalinayo khilaaf u dhaxeeyay madaxweynaha Hirshabeele iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ku qabtay Hoygiis Magaalada Muqdisho,
Mudooyinkii danbe waxaa soo if-baxayay mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeele kaas oo ay wadeen xildhibaano taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka, Mudada xil haynta masuuliyiinta hirshabeele ayaa waxaa ka dhiman mudo 8 bilood.
Masuuliyiinta ayaa la arkayay iyagga oo gacma is haysta una muuqda in ay ka heshiiyeen khilaafkii ka dhex-jiray.