DFS oo si adag uga hadashay dhibaata ciidanka Kenya ay ugaysteen shirkada isgaarsiinta Hormuud.
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday xarunta shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Jaldeys oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Cabdi Cashuur Xasan, Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo dhacdadaas ka hadlayay ayaa ku baaqay in ciidanka Kenya ay joojiyaan weerarrada soo noqnoqday oo ay la beegsadaan isgaarsiinta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in weerarkii ugu dambeeyey uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Jaldeys, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo nolosha dadka shacabka ah eeku nool deegaankaas iyo deegaanada ku xeeran.