Jidka Muqdisho iyo Afooye oo xidhan iyo Shirkadii Turkiga oo Hakisay Dhismihii ay halkaasi ka waday.
Waxaa maanta xidhan guud ahaan Adeegiga Jidka isku xidha magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, Iyadoo Gaadiidka daabulaya Ardayda Wax ka barata magaalada Muqdisho, kan ganacsiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa adeegsanaya ama u wareegay jid qarda-jeex ah oo mara degamada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Shirkadda Turkiga ee dhiseysa jidka Afgooye iyo Muqdisho ay go’aansatay in ay ka guurto goob qalabka iyo shaqaaluhuba deganaayeen oo dhawaan lagu qaaday Weerar ismiidaamin ah kaas oo sababay dhaawac iyo burbur hanti.
Warar qaar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku adkeysatay in ay adkeyneyso nabadgelyada Shaqaalaha iyo qalabka shirkadda wadda dhismaha sidaas awgeedna waxa ay weydiisatay Shirkadda in ay sii waddo shaqada dhismaha jidka.
Shirkadda dhismaha jidka Afgooye iyo Muqdisho ayaa dhowaan shaacisay in ay hakineysa howsha dhismaha haddii aan dowladda Soomaaliya xal u helin sugidda nabadgelyada jidka.
18-Jan-2020 weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhigga shaqalaaha wada dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye ayaa sababya dhaawaca 3 kamid ah shaqaalaha iyo burburka qalab iyo gaadiid yiil goobta.