Turkiga oo Somalia ballanqaad kale u sameeyay kaddib weerarkii ka dhacay degmada Afgooye.

Turkiga ayaa markale ka hadlay weerar xaasidnimo ah oo lagu qaaday injineerro Turkish ah oo dhisaya jidka isku xira Muqdisho-Afgooye  

Wasiir arrimaha dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu, oo weerarkaa fulaynimada ah ee foosha xun ku cambaareyay lahjadda ugu adag ayaa Twitter-ka kusoo qoray:

”Weerarrada argagixiso ee Somalia waxay markale muujinayaan wejiga foosha xun ee argagixisada. Balse weerarradani nagama hor joogsan doonaan la dagaallankooda.” ayuu warkiisa ku bilaabay.

”Waxaannu had iyo jeeraale dhinac taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliyeed. Waxaana soo kabasho deg deg ah u rajaynayaa walaaleheenna dhaawacmay, anagoo si dhow ula soconayna xaaladohooda.” ayuu ballan qaaday Wasiirku.

Dad badan ayaa rumaysan in weerarrada noocan ah ee Turkiga oo Somalia wax u dhisaya ay ka dambayn karaan dalal kasoo horjeeda danaha Somalia sida imaaraadka carabta oo looga taag la,yahay in ay faraha kala baxdo arrimaha soomaaliya.