Kenya oo wali ku howlan xerxerida Somalida ku nool Dalkeeda.

oo lagu tuhunsan yahay in ay qorsheynayeen weeraro ay shalay ka geysan lahaayeen  waddo ku taalla Nairobi oo lagu magacaabo Kiyambu Road.

Saraakiisha Boliska waxay sheegeen in Eedeysanayaasha la xiray aykala yihiin  2 Muwaadin oo Sooamali ah, Muwaadin Maraykan iyo 2 Kenyan ah, kuwaasi oo haatan Booliska magaalladda Nairobi waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen 5 qof ku xiran Saldhigga Boliska Runda ee magaalladda Nairobi.

Wargeyska The Standard Media waxa uu ka soo xigtay Saraakiisha dalkaasi inay qabteen Gaari ay Eedeysanayaasha isticmaalayeen oo noociisu ahaa Toyota Vitz, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Magacyada Dadka la xiray ayaa waxaa ka mid ah; Maxamed Xasan Baarriyoow oo Soomaali ah, Hodan Cabdi Imsaaciil oo Soomaali ah, Ifraax Maxamed Abshir oo Soomaali ah, Maxamed Cabaas Maxamuud oo Mareykan ah, iyo Maxamed Aadan oo Kenyaan ah, Wade Gaarina ahaa.

Boliska waxay kaloo sheegeen markii ay baareen gudaha gaariga ay qabteen ay ka heleen Surwaal ay adeegsadaan Ciiddanka Cirka Kenya, Funaanad, Koofi iyo Surwaal noocooda wada cagaar ahaa, Hal Baasaboor oo Maraykan ah, Hal Kaarka Ciiddanka Ammaanka ee Safaaradda Maraykanka, Buugga Lacagta lagu dhigto Bangiyadda ee Jeegga  iyo lacago kaash ah oo isugu jiray  Dollar, Shillinka Soomaaliga iyo  Shillinka Kenya.

Ciiddanka Boliska ee Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa la sheegay inay kaalin ka qaadanayaan Baaritaanka lagu hayo 5-ta qof ee lagu eedeynayo inay qorsheynayeen weerar ay ka geystaan gudaha magaalladda Nairobi.