Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somalia oo Khiyaano Qaran ku tilmaamay shir Boosaaso uga furmay Axmed Madoobe iyo Deni.

Axmed Macalin Nadiir, oo ah gudoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay in kulanka dhexmaraya Madoowe iyo Deni  uu yahay “khiyaano Qaran”.

Mudanaha ayaa daliishaday in madaxweyne Deni iyo dhigiisa Axmed Madoobe, aysan xaq u lahayn in ay ka hadlaan ajendaha ay shaaciyeen in ay ka tashanayaan.

Senator Nadiir oo degaan doorashadiisu tahay Jubaland ayaa shacabka ku waaniyey in aysan dhageysan qodobo kasta oo kasoo baxay shirkaas laba geesoodka.