Guddoonka Baarlamaanka dalka oo hambalyo u diray maamulka Galmudug

Guddoonada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka maamul gobaleedka Galmudug oo lagu doortay magaalada Dhuusa-mareeb.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Cabdiraxmaan  ayaa u hambaleeyay guddoomiye Dr Maxamed Nuur Gacal iyo Ku-xigeenadiisa,isagoo u rajeeyay in eebbe uu Ku guuleeyo xilka loo igmaday.

Sidoo kale mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi gudddoomiyaha Aqalka sare ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediye guddoonka baarlamaanka Galmudug

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kula dar daarmay guddoonka baarlamaanka Galmudug ee la doortay in si hufan ay u gutaan waajibaadka loo doortay

Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in la qabto doorashada madaxweynaha maamul gobaleedka Galmudug.