Somaliland oo markii ugu horreysay Toogatay Lix Nin oo ku eedeesanaa dilal ay horey u geesteen.

Maamulka  Somaliland ayaa fuliyay xukun dil wadareed ah kaddib markii ay hal goob ku toogatay lix qof oo horey loo Xukumay.

Dadkan oo horay Maxkamadaha Somaliland dil ugu xukumeen ayaa ku xirnaa Xabsiga Mandheera  ee Somaliland.

Dadka la toogtay oo dhamaantood Rag ah ayaa lagu eedeeyay in ay horay dilal ugu geysteen dad kale sidaasna maxkamadaha Somaliland dil ugu xukumeen.

Dilka toogashada ah ayaa ka dhacay Gobolka Saaxil ee Somaliland oo ay xaruntiisu tahay Magaalada Dekadda leh ee Berbera.

maxbiistan dilka lagu fuliyay ayaa ka soo kala jeeda Deegaanada Sool Sanaag Iyo Gabilay waxaa loo haystay  dilal ay horay uga soo Gaystay Deegaanadoodii.