DF Somalia oo heshiis muhim ah oo Somaliland saamaynaya la gashay Midowga Yurub

 

 Somalia ayaa heshiis la gashay Midowga Yurub si ay u xoojiso amaanka badda, iyadoo laga caawinayo dhismaha ciidamo ilaaliya biyaha maxalliga ah ee dalka.

Wasiir Dibadeedka Somalia, Axmed Cawad ayaa heshiiskan qalinka kula saxiixay  Danjiraha Midowga Yurub ee Somalia, Nicolás Martinez.

Sida ku cad heshiiska oo ay ka hadashay Wasaarad Dibadeedka Somalia, waxaa dhacaya iskaashi u dhexeeya Somalia iyo Midowga Yurub kaasoo ku aaddan qorshayaasha amaan iyo kobcinta niyadda ciidamada ilaalinaya xeebaha badda soomaaaliya,

Heshiiskan ayaa waxaa dhaqan gelinaysa EUCAP Somalia oo sharciyad u haysata dhisidda awoodda ciidamo ilaalinaya xeebaha Somalia, oo ay ku jirto Somaliland, sida heshiiska ku xusan.

EUCAP Nestor ayaa la sameeyay 2012-kii, iyadoo ka dhalatay falcelin caalami ah oo ku jihaysneyd burcad badeed ka dillaacday xeebaha Somalia, waxaana heshiiskooda dib loo eegay 2016-kii, iyadoo loo xil saaray Somalia oo qura, halkii ay awal gaaf wareegayeen Geeska Afrika oo dhan iyo Galbeedka Badwaynta Hindiya.