Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan maqaamka Ergada Midowga Yurub ee awood dhisidda tababar ee Soomaaliya
Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, iyo Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez.
Heshiiska ayaa waxa uu qeexayaa habka iyo wadashaqaynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo lala jaanqaadayo waxyaabaha muhiimka u leh qorshayaasha nabadgelyada iyo deganaanshaha ee lagu kobcinayo awoodda nafsiyadeed ee sare loogu qaadayo amniga badaha Soomaaliya.