Liiska Xildhibaanada maamulka Galmudug oo si rasmi ah loogu dhawaaqay xilli wali ay jirto cabasho ka soo yeereyso odayaasha qaar

Guddiga farsamada & maamul dhisidda Galmudug ayaa si rasmi ah u shaaciyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee maamul  goboleedka Galmudug oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

Liiska xildhibaannada lagu dhawaaqay ayaa ka kooban 83 Xubnood oo ay ku jiraan Xildhibaannada Ahlusunna ayaa waxaa ka harsan lix Xildhibaan oo ay gudidgu sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo dhameystiri doonaan.

Dhawaan ayaa la filayaa in maamul loo dhanyahay loo sameeyo Galmugug, ayadoo dowladda federaalka soomaaliya ay cudud badan ay ku bixineyso sidii ay u miro dhali lahaayeen dadaallada kala duwan ay bixinayaa waxgaradka iyo masuuliyiinta Galmudug.