xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle oo ka soo horjeestay dhismaha golaha deegaanka degmada buuloburte

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa ka soo horjeestey qorshaha  dhismaha  golaha deegaanka degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaanadan oo ka soo jeeda degmada Buulo-burte oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa waxaa ay ku eedeeyeen inaysan maamulka Hirshabelle aysan wax horumar ah gaarsiin degmada Buuloburte.

“Degmada go’odoon ayay ku jirtaa Hirshabellana waxba uma qaban haatana looma dhisi karo gole deegaan iyadoo aan dib u heshiisiin loo sameyn shacabka deegaanka.”ayuu yiri Ismaaciil Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaanada Hirshabelle.

Xildhibaan Ismaaciil ayaa u digey hay’adaha maalgelinaya dhismaha inaysan dhibaato u horseedin shacabka Buuloburte.