Guddiyo ku howlan xalinta iska horimaadkii xalay ka dhacay degmada Dhuusa-Mareeb
Xaalada degmada Dhuusa-Mareeb ayaa deggan kaddib iska horimaad xalay ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.
Iska horimaadka oo ahaa mid si kadis ah u qarxay ayaa dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca waxaana dagaalka dhinaca dowladda ku lug lahaa ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad-sugida sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Guddi Saraakiil ah oo ka kala tirsan labada dhianc ayaa ku howlan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhashay shaqaaqadii xalay oo ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo ay ka mid aheyd qof dumar ah oo ay haleeshay rasaasta labada dhinac.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali kheyre oo ku sugan magaalada Dhuuusa-Mareeb ayaa isla xalay kula la qaatay saraakiisha hay’addaha Amaanka Dhuuusa-Mareeb, waxaana kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.
Wali waxaan lagu dhawaaqin liiska xildhibaannada cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka Galmudug, iyadoo ay jiraan wali cabasho ka taagan soo xulista xildhibaannada, iyadoo socdaalka Ra’iisal Wasaaraha uu la xiriiro sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii hore ee dhismaha Golayaasha Galmudug ee dhaxmaray dowladda iyo Ahlu Sunna Waljameeca.