DOWLADDA IMAARAADKA AYAA LAGU EEDEEYAY IN AY KA DAMBEYSAY QARIXII KA DHACAY EX-CONTROL AF-GOOYE
Wargays kasoo baxa dalka Turkiga ayaa daabacay in xogo la helay ay muujinayso in qaraxii dadka badan dhibaatadu kasoo gaartay ee 28 bishaan ka dhacay Ex-Control Afgooye ay ka dambeyso dawlada Imaaraatka Carabta oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda hawlaha ay dawlada Turkigu ka wado Soomaaliya iyo dalal kale.
Wargeyska YeniSafak ayaa sheegay in xog uu helay ay sheegayso in dhaxal sugaha dalka Imaaraatka Max’ed Bin Sayid Al-Nahyan uu lahaa amarka qaraxii Sabtigii Muqdisho ka dhacay ee in ka badan 100 ruux ku naf waysay waxaana wargeysku sheegay in bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa shaqaale Turki ah oo wado laami ah dhisayay.
Wargeysku waxaa uu sheegay in qaraxaas lagu soo beegay isla maalintii dawlada Turkiga ay isku diyaarinaysay taageero ciidan oo la siiyo dawlada caalamku aqoonsanyahay ee Libya.
Xogtaan waxay sheegayaan in Amiir Max’ed Bin Sayid Al-Nahyan uu baxshay amarka qaraxii xooga weynaa kaas oo willi aad loo dareemayo saameynta uu reebay.