AL-SHABAB KENYAN AH OO WAXYEELO AY KASOO GAARTAY WEERAR AY FULIYEEN CIIDAMADA MAREYNKANKA

A U.S. Air Force MQ-9 Reaper unmanned aerial vehicle assigned to the 174th Fighter Wing prepares to take off from Wheeler-Sack Army Airfield at Fort Drum, N.Y., Oct. 18, 2011. (U.S. Air Force photo by Staff Sgt. Ricky Best/Released) (Photo by DOD/Handout/Corbis via Getty Images)

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa war Saxaafadeed ka soo saaray duqeyn ay shalay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa ka kala dhacday deegaanka Kuunyo Barrow iyo Caliyow Barrow oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyadoo lagu dilay illaa afar dagaalame ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay saraakiil sare ku jiraan.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddex duqeyn oo ay labo goobood ka fuliyeen ay ku burburiyeen labo gaari, waxaana labo ka mid ah duqeynta ka dhacday Kuunyo Barrow, halka duqeynta 3aad ay ka dhacday Tuulada Caliyow Barrow.

Duqaymo Xaga Cirka Ah Oo Ay Fuliyeen Ciidama Maraykamka  ayaa Lagu Dhaawacay  Labo Ka Mid Ah  saraakiisha Al-Shabab kuwaasi  Oo U Dhashay Wadanka  Kenye. 

Labadan Qof Oo La Dhaawacay Ayaa Katirsanaa Ururka Al-Shabab Waxaana Werarkaasi  Ka Badbaaday Maxamed Ahmad Oo Magaca la yiraahdo   Kheir Iyo Cabdullahi Wilif Oo  Ka Soojeeda  Gobalka Wajeer Ayaa Ka Badbaaday Werarkaasi  Oo Ka Dhacay Xerada Tababarka  Al-Shabab Ee Beled Raaxo.

Warbixinta ayaa sheegtay in Hadda Lagu Dawaynayo Xerada Caafimadka Aus Qurun  Oo Ay Maamusho Al-Shabab Sida Ay Warbaahinta la Wadaageen  Hey’adaha Amniga ee Kenye.

Sida ay sheegtay warbaahinta Kenya, Diyaaradaha Difaaca Kenye Ayaa Sidoo Kale Maalintii Khamiista Ahayd      Bambo Kutuuray  Xero Ay Al- Shabab Maamulaan  Halkaas Oo Ay Kudileen Labo Qof Oo Ka Tirsan Al-Shabab  Afar Kalana Lagu Dhaawacay

Dhanka Kale  waxaa la soo sheegayaa in Goobtii Weerarkaasi laga fuliyay ay soo gaareen saraakiil dhanka Caafimaadka ah eekuwaas ooka tirsan AL-shabab waxeyna bilaabeen Caawinta iyo Daweynta dhawaacyadii Weerarkaasi ku wax yeeloobay  

Duqeymahan ayaa yimid maalin kaddib qarax weyn oo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, inkastoo mas’uuliyadda qaraxaas aanay sheegan Al-Shabaab, hadana waxaa la sheegayaa in ficilka iyo calaamadaha qaraxyadaas ay yihiin kuwii Al-Shabaab soo abaabuli jirtay.