AMMAANKA MAGAALADA BOOSAASO OO LAGA DEERINAYO
Maalmihii lasoo dhaafay magaalada xudunta u ah dhaqaalaha Puntland ee Boosaaso, waxaa lagu dilay dad muhiim ka dhex ahaa bulshada, gaar ahaana waxaa la dilay mid kamid ah darawalada gaarka ah ee Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo Nabadoon kamid ahaaa waxgaradka magaaladaas, ma jirto cid loo qabtay dilkooda.
Darawalkan horey wuxuu uga tirsanaa ciidamada Daraawiishta ee Puntland, waxaana wiilkiisa horey loogu gawracay deegaano katirsan gobalka Barri, iyadoo ay falkaas fuliyeen kooxaha la dagaalama maamulka puntland ee kusugan buuraleyda Caal-Barri & Caal-madow.
Howlgalo la sameeyey saqdii dhexe oo habeen ah, ayaa ciidamadu ay guryaha galeen, waxayna baaris kusameeyeen xaafadaha qaarkood, inkastoo aysan jirin cid lasoo qabtay, haddaan howlgalkaas laftirkiisa ayaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan.
Ciidamadu waxay galeen guryo ay ka qaateen agabyo muhiim ah, waxaana dadka qaarkood ay walaac ka muujiyeen habdhaqankii ay isticmaalayeen ciidamadu oo ah Argagax galin iyo ficilo aan ciidamada ku habooneyn.
In amnigu faraha ka baxay waxaa sheegay Odayaasha dhaqanka qaarkood oo iskaga barakacay magaalada Boosaaso, waxayna door-bideen tuulooyinka iyo Garoowe oo ay sheegeen in ay naftooda ku badbaadsanayaan.
Maamulka gobalka, Kan degmada iyo Saraakiisha Booliskuba wey ka gaabsadeen ka hadlida arrimahan, waxayse xirteen agagaarka xarumahooda iyo guryaha gaarka ah oo ay ilaalo badan geysteen, taas oo muujinaysa in ay ka fakarayaan oo kaliya dantooda amniga. Sida ay ku waramayaan warxagaradka ku nool magaalada boosaaso.
Maamulka gobalku, wuxuu u muuqdaa mid fulinaya dano shaqsiyaad iyo arrimaha dalalka isku haya Soomaaliya, waxaana Gudoomiyaha gobalka Barri Cabdisamad Abwaan dhawaan uu 2 goor kasoo muuqday warbaahinta, isagoo u hanjabay Odayaal, waxgarad iyo Siyaasiin aragtidooda siyaasadeed cabiray.