Afar duufaan ayaa todobaadkan iyo ka soo socdaba ku soo wajahan Xeebaha Soomaaliya.
Duufaanta ugu soo horreysa waxaa loo bixiyay Pawan, Xeebaha Badweynta Hindiya dhulalka ayaa ugu daran.
Roob xoog leh oo dabeyl wata ayaa guud ahaan todobaadkan ka da’aya Soomaaliya.
Degaannada Ceel Huur iyo Cashuura oo Mudug ka mid ah dhul go’ ayaa laga saadaalinayaa,dadkana waxaa lagula talinayaa in ay ka fogaadaan.
Sidoo kale guud ahaan Xeebaha min Waqooyi Badda cas ilaa Koofur Badweynta Hindiya ayey digniintu ku socotaa.
Wasaaradda warfaafinta ayaa dhawaan shaacisay halista ka dhalan karta doofaano la sheegay in ay ku dhufan doonaan qeybo ka mid ah soomaliya