10 sano ayaa kasoo wareegatay qaraxii hotel shaamoow
Maanta oo kle 3 december 2009 ayay ahayd markii qarax lala eegtay hotel shaamoow xilligaasi oo ay hoteelka ka socotay munaasabad qalin jabin ardaydii dufcadii labaad ee jaamacada banaadi 10 sano ayaana kasoo waregatya qaraxaasi
Munaasabadda qalin jebinta ayaa waxaa kasoo qeeb galay Wasiiro ka socday dowladdii xilligaas jirtay, Waalidiin, Macalimiin, Arday iyo marti sharaf kale.
Intii ay socotay Munaasabadda, gaar ahaan xilligii uu khudbada jeedinayay Prof. Cusmaan Dufle oo ka mid ahaa Maamulka Jaamacadda ayaa mar kaliya waxaa dhacay qarax ismiidaamin ah.
Goobta ayaa hal mar isku bedeshay dhiig, burbur iyo qeylo, waxaana qofka xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay halka ay fadhiyeen Wasiirada oo uu bartilmaameedkiisa ahaa.
Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee Wasiirkii Hidaha iyo Tacliinta Sare Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Wasiirkii Waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeel, Wasiirkii Caafimaadka Qamar Aadan Cali, Wasiirkii dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble oo dhaawac ka soo gaaray qaraxaas u geeriyooday, Prof. Shahiid, sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhintay Wariyeyaal Dhaqaatiir, Macalimiin, Arday iyo Waalidiin.
Dad u badnaa ardaydii qalin jebinaysay iyo waalidiin ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray.
Waxaa uu ahaa qarax ay ku hoobteen Wasiiradii ugu muhiimsanaa ee qaabilsanaa arrimaha bulshada dowladdii KMG ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed
Qaraxii Hotel Shaamow ayaa ahaa mid ka mid ah dhacdooyinkii murugada lahaa ee soo mara shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aheyd maalin farxadeed oo Arday qalin jebineysay oo muddo lix sano soo waday hayaankooda waxbarasho maalin qura rajadooda la baabi’iyay oo lagu bedelay, dhiig iyo argagax.