Jubbaland oo war cusub ka soo saartay duqeyntii JILIB

Afhayeenka hay’adaha amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo warbaahinta kula hadlayey Kismaayo ayaa faah faah ka bixiyey duqeyn maalin ka hor ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Cabdinuur ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa dhaq dhaqaqa Al-Shabaab, kadib markii gantaal lala eegtay gaari uu la socday.

Afhayeenku ma shaacin magaca sarkaalkaasi, balse wuxuu tilmaamay inuu dhibaato ka waday deegaanada maamulka Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Duqeyntaasi ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha Mareykanka, waxaana war ka soo baxay Africom lagu sheegay in lala beegsaday xubno Shabaab ah oo ku suganaa degmada Jilib.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay sareeye fm in Jilib duqeyntii ka dhacday lagu baabi’ayey goob Al-Shabaab u aheyd xarun isgaarsiin oo laga hago weerarada ay fuliyaan dagaalamayaasheeda.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa la kordhiyey howlgallada lugta iyo weerarada cirka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada maamulka Jubbaland.