Puntland oo xabsiga dhigtay siyaasi caan ka ah Boosaaso
Ciidamada Amniga gobolka Bari, ayaa mar kale xabsiga dhigay siyaasiga Caanka ah ee Dr. Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale ay Jimcihii la soo dhaafay dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda Puntland.Siyaasi Muuse Cali Jaamac, ayaa Shalay ciidamada Amnigu ku qabteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana ay markiiba u dhaadhiciyeen xabsiga weyn ee Boosaaso
13 October ee sannadkan ayaa sidaan oo kale Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib 16 October ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed.