Gabar Soomaaliyeed oo lagu dhex toogtay gudaha xerada Xalane

Gudaha xarunta xalane ee Amisom waxaa lagu dilay Almaas Elman oo aay walaalo ahaayeen Ilwaad Elman, oo ah gabar u tartameysa Bilada Nabadda ee loo yaqaano noble peace prize
warar kala duwan ayaa ka soo baxay dilka allaha u naxariistee Almaas Elman waxaana wararku ay ku waramayaan in ay haleeshay rasaas aan la ogeyn halka ay ka timid xilli ay saarneyd gaarigeeda oo ku sugnaa gudaha xerada xalane.

Ma jirto wax war ah oo ka so baxay dowlada faderaalka oo ku saabsan dilka loo geystay marxuum Almaas Elman.

Almaas ayaa horay u soo noqotay xoghayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.