Ciidamada Somaliland oo xoog kula wareegay xarunta Telefishinka horn cable.
Ciidamada Somaliland oo albaabada isugu dhuftay xaruntii telefishinka horn cable Tv ee magaalada hargeysa.
Ciidamada oo xoog ku galay xarunta telefishinka oo ay ka socotay shaqada caadiga ayaa xiray wariye C/qaadir Codey oo ahaa tifaftirihii telefishinka iyo guud ahaan xarunta telefishanka.
Lama oga waxa ciidamada Somaliland ay albaabada isugu dhufteen xarunta teleshinka horn cable hase ahaatee waxa ay ciidamada Somaliland ugua gol leeyihiin in lagu cabsi galiyo warbaahinadda kale ee sida tooska ah u baahiya dhacdooyinka xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta dhaliilsan maamulka madaxweynaha Somaliland muuse biix cabdi sida ay wariyayaal ku sugan hargeysa ay u xaqiijiyeen sareeye fm