Taageerayaasha xisbiga waddani oo la wareegay xarunta xisbiga

Kumannaan ka tirsan taageerayaasha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa soo buux-dhaafiyay meel u dhaw xarunta guud ee Xisbigaas, kuwaasoo markii uu soo gaadhay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha Xisbigaas, waxay ku soo dhaqaaqeen xaruntii oo ay haystaan Ciiddammadii ay Xalay la wareegay xarunta xisbiga

Kumannaan shacab ah oo uu hoggaaminnaayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa xoog kula wareegay oo dib u qabsadday Xaruntii guud ee Xisbigaas, waxaannay shacabkii furtay xaruntaas ay ku dhawaaqayeen errayo ay ka mid ahaayeen “Dulmigu ha dhaco, , Muuse Biixi ha dhaco, nidaamka fulayga ah laga baqan maayo iyo Xukuumadda ila meerrayso ha dhacdo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata inuu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi uu kaga dhabbeeyay hadalkiisii xalay ee ahaa Awoodda shacabka laguma joojin karro Xadhig iyo Cabudhin ee waa innoo subaxa iyo xarunta guud ee Xisbiga, taasoo keentay in Taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminnaayo Guddoomiyahooddu ay xoog iyo cuddud shacab ay ku furtaan xaruntii Ciiddanka badan la dul dhigay ee WADDANI.

c/raxmaan ciro oo warbaahinta la hadlay ayaana sheegay in rasaas ay ku fureen ciidamo ka tirsan Somaliland.

Weli xaaladda ayaa aad u kacsan waxaana ay taageerayaasha xisbiga ku sugan yihiin afaafka hore ee xarunta xisbiga.