xildhibaano uu lacag siiyay deni oo sheegay in xilka ay ka qaadeen gudoomiye dhoobo daareed
Ciidamada daacada u ah Siciid Cabdullahi Deni ayaa si xoog ah kula wareegay Maamulka Xarunta golaha Wakiilada Puntland, waxaana si khasab ah dib loogu furay kulanaka Golaha oo fasax galay maalintii shalay.
Xildhibaano uu saciid deni mid kiiba siiyay 40,000$( Afartan kun oo doolar) ayaa golaha ka sheegay in xilka ay ka qaaadeen gudoomiyaha golaha wakiilada puntland c/xakiin maxamed axmed (dhoobo daareed).
Kulanka uu xildhibaanada deni lacagta siiyay ayaa waxaa si maqaar saar ah u shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan.
Gudoomiye Dhoobo wuxuu siweyn u hor istaagay danaha imaaraatka, taas weeye sababta dhaqaalaha xad dhaafka ah ugu baxayo inuu meesha ka baxo, Xalayna dhiigga badani u daatay.
Talaabada Gudoomiye Dhoobo ku baxo ayaa iyana yeelan doonta sawir kale kaasoo laga dhex arki karo, Deegaanada Gobolada Sool iyo Sanaag ee Puntland iyo Somaliland kala sheegtaan inay fursad u tahay ay kaga tashan karaan Aayahooda iyo Mustaqbalkooda ummadnimo.