ciidamo ka amar qaadanayay axmed madoobe oo isku dhiibay ciidanka xoogga dalka

In ka badan 190 Askari oo ka tirsan ciidamada Darwaaiishta Jubbaland ayaa isu dhiibay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Ciidankaan isu dhiibay Milateriga Soomaaliya ayaa ku sugnaa degmada Belad-xaawo ee gobalka Gedo waxayna toos uga amar qaadan jireen maamulkii waqtigiisu dhamaaday ee Axmed Madoobe.

Illo kale ayaa ku waramaya in saraakiil Itoobiyaan ah ay wadahadal la galeen ciidamadaan lagana dalbaday in ay tagaan Luuq oo ay isu dhiibaan ciidamada faderaalka. Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in ciidankaan ay hadda ku sugan yihiin xero ku taalo degmada luuq.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho soo gaaraan guddoomiyaasha degmooyinka Luuq, Beladxaawo iyo Doolow ee gobalka Gedo, kuwaas oo toos ugu xirnaa Axmed Madoobe balse hada ogolaaday in ay ka soo laabtaan wadada qaldan ee uu axmed madoobe ku socdo.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo kale ayaa ka jira magaalada  kismaayo ,yo mgaalooyinka kale ee jubalaland taas oo ku saabsan in ciidamo badan ay qorsheynayaan in isaga baxaan maamulkii uu waqtigiisu dhamaaday ee jubaland.

wararka kale ee la xiriira goosashada ayaa ka mida in qaarkood ciidamada ay kal hore siyaabo kala duwan ula safteen 3-musharax ee sida iskood u sheegtay madaxweynaha jubaland kuwaas oo kala ah c/naasir seeraar maax,c/rashiid maxamed xidig iyo axmed madoobe.

Taliska axmed madoobe ayaa u muuqda mid ku fashilmay iska horkeenida ciidamada dowlad goboleedka jubaland iyo ciidamada xoogga dalka.