Deni oo Awood u adeegsanaya in xildhibaan cawil laga saaro golaha wakiilada puntland

Madaxtooyada Puntland ayaa dacwad qoraal ah u dirtay Xeer Ilaalinta Puntland oo kuwajahan mudanayaal katirsan baarlamaanka oo ay sheegtay in ay ku xadgudbeen dawladnimada, isla markaasna ay shalay su`aalo weydiiyeen Madaxweynaha Puntland.

Madaxtooyada ayaa qoraalkeeda ku cadeysay dacwad ka dhan ah Xildhibaan Cawil Yuusuf Daad, oo ay codsatay in dib loo eego xubinimadiisa golaha wakiilada, waxaana muuqata in deni uu awoodiisa u adeeganayo xildhibaan cawil daad.

Wararka ayaa intaa ku daraya  in Xeer Ilaalintu u sheegtay shalay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni in aysan sharci aheyn in ay iyagu dacwada soo oogaan, ee ay tahay in cabashadu ka timaado Madaxweynaha, ka dibna ay qoraalkooda u gudbiyeen Laanta Dambi baarista Booliska oo soo cadeysa eedaha la sheegay,sidaasna ay ku aqbali karto xeer ilaalinta.

Xeer ilaalinta puntland ayaa la ogaaday in ay iska diiday in dacwad ay ku soo oogto xildhibaan cawil,balse deni ayaa gudoonka golaha wakiilada u mari doona in golaha laga saaro xildhibaan cawil daad iyo mudanayaal kale oo aan la dhacsaneyn siyaasadda qalafsan ee madaxweyne deni.

Deni waxa uu geed dheer iyo mid gaaban u marayaa in xubinimada golaha laga qaado xildhibaan cawil balse waxa ay u muuqataa mid aan fududeyn in xildhibaan cawil uu waayi doono xubinamada golaha.

Madaxweynaha Puntland ayaa shalay ka carooday kalfadhiga baarlamaanka, markii su`aal uu weydiiyay  mudane katirsan golaha oo sheegay in ammaanka uu xun yahay, dhaliilo ay jiraan iyo kacdoomo siyaasaded, taasna ay keentay in uu aad u caroodo madaxweynaha puntland saciid c/llaahi deni.