Maqaal:Ahlu sunna ma waxay hortaagan yihiin dhismaha Galmudug loo dhan yahay?
Waa koox culimo ah oo asalkoodu masaajida iyo mowlacyada ka akhrin jiray tafsiirka qur’aanka kariimka iyo xadiiska nabiga scw.
Waxa ay la baxeen ahlu sunna wal-jameeca iyagoo ka soo horjeeda firqooyin kale sida firqada wahaabiyiinta iyo kuwo kale.
2009 ayay si rasmi ugu xoogeysteen gobolkada dhexe dalka gaar ahaa galgaduud,qeyb ka mida hiiraan iyo mudug.
Ujeedka kooxdan ayaa aheyd in ay iska caabiyaan al-shabaab oo gabi ahaan ka soo horjeeday fikirka kooxdan.
Culimo caan ah oo diinta si wanaagsan u yaqaana ayaa ku jira kooxdan kuwaas oo markii danbe ku milmay siyaasadda.
Halgan dheer iyo dagaalo ay la galeen al-shabaab waxa ay nabadgelyo ka dhaliyeen deegaandii ay ka talinayeen hase ahaatee ma jirin nidaam dowladeed oo gaaray deegaanadaas.
Kooxdan ma jirin intii ay ka taliyeen meelihii ay ku sugnaayeen awood qeybsi sax ah ama nidaam siyaasadeed balse waxaa awood dhan maroorsaday culimo gaar ah.
Galmudug waxa ay aheyd meelihii ay aadka ugu xoogga badnaayeen ahlu sunna kuwaas oo go’doon galiyay dadka reer galmudug gaar ahaan qeybo ka mida mudug iyo galgaduud.
Dowlada faderaalka xal kasta ayay ku bixisay in shacabka galmudug laga qaado horumar la’aanta ka heysata dhinacyada waxbarasahada,caafimaadka iyo in la helo maamul ay shacabka galmudug u dhan yihiin.
Xal kasta oo loo heli karay In kooxda ahlu-sunna ay ka qeybqaadato dhismaha dowladnimada ayaa guul la taaban karo laga gaaray ka dib wada hadalo dheer oo muqdisho iyo jabuuti ku dhexmaraya hogaanka dowladgoboleedka galmudug iyo culimadda ahlu sunna.
Madaxa xukuumadda galmudug ayay dowladu xal uga dhigtay in ahlu sunna la siiyo taas oo aysan kala sineyn dowlad goboleedyda dalka ka jira,waxaana ay ka mid aheyd talaabooyinkii loo qaaday in la helo galmudug ay shacabkeedu wada leeyihiin.
Ku dhawaad 50-cisho ayuu ra’iisul wasaaraha xukuumadda faderaalka soomaaliya xasan cali kheyre ku sugnaa galmudug,ujeedka ugu weyn ee uu ra’iisul wasaare kheyre u tagay galmudug ayay aheyd dhismaha galmudug loo dhan.
Si kasta oo ay doonayeen kooxda ahlu sunna ayay dowladu uga tanaasushay talaabooyin badan oo ay qaadi kartay shacabka galmudug dartood.
Isqab-qabsi badan oo soo kala dhex galay madaxweynaha galmudug axmed ducaale geelle xaaf,iyo hogaanka sare ee ahlu sunna ayaa keentay in maamulka uu ku kala shaeeyo cadaado iyo dhuuso mareeb.
Tani waxa ay hor istaagtay dhameystirka geediigii galmudg loo dhan yahay.
Mar kale ayay dowladu faderaalku xalisay tabashooyinkaas.
Qarameyntii wiilashii ku dagaalamayay fikirka kooxda,shirkii dib u heshiisinta galmudug,ku amada hay’adaha caalamiga in ay tagaan galmudug iyo qodobo kale ayay dowladu u martay hanaan kasta oo loo heli karo galmudug loo dhan yahay.
Culima’dda ahlu sunna mar kale ayay ka hor yimaadeen daadajinta nidaamka dowladnimo iyagoo isku arka koox ay awoodii ay ku maroorsadeen shacabka weli shaqeyneysa.
Dastuurka galmudug ayuu ku qoran yahay Cid aan Dawladda ahayn ama aysan fasax u siin,in aysan hub ku dhex heysin Karin dhulka Dawlad goboleedka galmudug.
Culima’du ma waxay ka caroodeen daadjinta dowladnimo mise waxa ay caashaqeen taliskoodii hore?