Midowga yurub oo lacagaha ka jartay ciidamada kenya ee howlgalka Amisom

Midowga yurub ayaa hakiyay lacagihii uu siin jirey ciidamada kenya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ee soomaaliya sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan kenya

3-dii bilood ee ugu dambeeyay, ciidamada kenya ma aysan qaadanin wax mushaharaad ah,waxayna taasi keentay in culeys badan uu soo fuulo masuuliyiinta kenya ee ku aadan mushaharaadka ciidamada, waloow ay ciidamadani haatan ka tirsan yihiin howlgalka AMISOM ee hoos taga QM.

Ciidamada kenya ayay ka maqan tahay  lacag dhan 5-bilyan oo shilinka Kenya ah, taas oo loogu talo galay mushaharka 4,000-askari oo ka joogta soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa bixisa inta ugu badan mushaharaadka ciidamada Amisom eek u sugan sooomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay si wadayaan bixinta kharashaadka ku baxay howlgalka amisom ilaa iyo inta laga gaarayo sanadka 2020.

Xukuuumadda Nairobi ayaa ciidamadeeda u dirtay koonfurta Somalia sanadkii 2011 iyagoo ku socdey howlgal ay u bixiyeen (Operation Linda Nchi) kaas oo ahaa howlgal ay kenya ku wadatay dano gaar ah.

Kenya waxa ay si toos ah faragelin ugu haysaa siyaasadda gudaha ee Somalia, taasoo laga yaabo inay tahay sababta uu Midowga Yurub uga caga jiidayo inay mushahar siiso dal Soomaaliya ka fulinayo howlo ka dhan ah ujeedka loo taageerayo AMISOM,

Sidoo kale midowga yurub ayaa aad uga xumaaday talaabadii ay qaadeen masuuliyiinta kenya taas oo ku saabsaneyd ka qeybgalka iscaleema saarkii axmed madoobe,isla markaana ay dowlada faderaalka iyo beesha caalamka ay diideen dooroshooyinkii ka dhacay magaalada kismaayo