Deni oo colaad ka hurinaya shacabka puntland iyo masuuliyiinta ku matasha dowlada faderaalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka puntland saciid c/llaahi deni ayaa wada iska hor keenida shacabka puntland iyo masuuliyiinta dowlada faderaalka ku matesha puntland.

In kastoo uu deni la soo baxay caburin,handaad iyo xarig lagula kaco waxgaradka,suxufiyiinta iyo dadka wax galka u ah bulshada ayuu haddana bilaabay iska horkeenida dadka reer puntland iyo masuuliyiinta shacabka puntland ku matala dowlada faderaalka.

Si ay isaga war hayaan shacabka puntland iyo masuuliyiinta ka soo jeeda maamulkaas ee dowlada faderaalka ku matala ayaa isla qaatay in xafiisyo laga hirgaliyo deegaanada ay ka soo jeedaan masuuliyiinta ku matasha shacabka puntland dowlada faderaalka,hase ahaatee waxaa is hor istaag ku sameeyay madaxweynaha puntland saciid c/llaahi deni.

Wasiiradda qorsheynta iyo shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowlada faderaalka amb Jamaal maxamed xasan iyo sadiiq  xirsiwarfaa ayaa xafiisyo ay ka furteen deegaan doorashadoodu si ay xiriir wanaagsan ula yeeshaan bulshada ay matalayaan ayuu deni u adeegsaday ciidamo gaar ah kuwaas oo albaabada isugu dhuftay xafiisyadii ay wasiiraduu ka furteen deegaan doorashadoodu.

Wax aad loola yaabo ayay noqotay ka dib markii uu saciid deni isku dayay in uu daah kala dhex dhiggo shacabka puntland iyo dowlada faderaalka,waxaana dad badani ay aad ula fajaceen talaabada deg-dega ee uu qaaday saciid deni.

Puntland ayaa ku andacooneysa In sifo sharci aan waafaqsaneyn ay wasiiraddan xafiisyo uga furteen deegaanada maamulkaas.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Musadaq oo warbaahinta la wadaagay amarka ka soo baxay saciid deni ayaa sheegay in wasiiradu ay mashaariicdoodu iyo xiriirka ay donayaan in ay bulshadoodu la yeesheen u soo maraan puntland.

Shacabka dhahar ee gobolka sanaag ayaa aad ugu riyaaqay fursadan uu wasiir Jamaal uu ugu dhowaanayo bulshada,kuwaas oo ku aaminay in uu dadka reer dhahar ku matalo dowlada faderaalka .

Daadajinta maamulka dowladnimo waa mid ka madaxbanaan rabitaanka shaqsi gaaar ah,waxaana uu deni dadaal badan galinayaa siduu kaga hortagi lahaa xiriirka shacabka puntland iyo masuuliyiinta ku matala dowlada faderaalka.