Maqaal:Dhibanayaashii uu dhibka u geystay janan ma u hiilin doontaa cadaaladda?

Magaciisa oo buuxa waa c/rashiid xasan c/nuur balse dadku waxa  ay u yaqaanaan c/rashiid janan.

 Durba waxaa kugu soo dhacaya eedeymo iyo tacadiyo loo heysto in uu galay wasiirkii hore ee amniga jubaland.

Janan waxa uu ahaa mid aan ka baqin xabadda,laakiin xanuunkeeda uu dhadhansiisay dad badan oo reer jubaland si ay ku warantay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee amnesty international.

Siyaasadda qofba dhinac ayuu ka soo galaa,balse janan waxa uu siyaasadda ku soo galay qori caaradii sida ay siyaasiyiin badani ku soo galeen siyaasadda.

Ururkii itixaad ayuu ku biiray janan isaga oo da’yar  kuwaas oo dagaal kala so horjeeday ciidamada itoobiya iyo jabhadii SNF ee markii danbe la wareegay degmooyinka luuq,beled xaawo iyo doolow  ,halkaas ayuuna janan ka bilaabay safarkiisa maamulka.

Janan fursada ugu badan ayuu ka helay itoobiya waxaana ay ka caawiyeen in uu noqdo  gudoomiyihii doolow ee gobolka gedo,waana halka uu janan ka bilaabay ku takrifalka masuuliyadii loo dhiibay.

In ka badan 300-askari  ayuu si gaar ah janan u dhistay waxaana u qalabeeyay itoobiya,kuwaas oo loogu talo galay in ay cagta mariyaan qofka ka soo horjeesta itoobiya iyo c/rashiid janan.

4-qof oo mid kamida ay haweeney aheyd ayay si bareer ah ciidanka gaarka ee c/rashiid janan u toogteen xilli ay ku xirnaayeen xabsi ku yaalla degmada doolow ,amarkaasna waxaa bixiyay janan sida ay sheegeen kooxda dabagalka  ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eretria.

31-kii bishii agoosto ayay ciidamada amaanka ka xireen c/rashiid janan garoonka diyaaradaha ee muqdisho xilli uu ku sii jeeday itoobiya.

Dadaalo badan oo ay bixiyeen odayaasha ku heebta c/rashiid janan ma aysan suuragalin in cadaaladdu ay  indhaha ka laabato tacadiyadii uu geystay c/rashiid janan,waxaana waxgaradkii yimid muqdisho ay dib ugu laabteen goobihii ay ka yimaadeen iyaga oo ay ka adkaatay cadaaladda.

06-dii bishan oktoobar ayay maxkamadda gobolka banaadir ka soo hor muuqdeen c/rashiid janan iyo buule aadan maxamed oo ahaa taliyihii fulin jirey amaradii c/rashiid janan.

Qeybta 1-aad ee dacwada ayayna maxkmadda dhageystay.

Dhibanayaashii uu dhibka u geystay janan ma u hiilin doontaa cadaaladda?