Deni oo lacago ku bixinaaya in loo jawaabo Xildhibaano dhaliilay Xukuumadisa.

XOG_SUGAN:

Garoowe, Waxaa Hadda Ka Socota Xaflad Loogu Jawaabayo Xildhibaanno Maalinimadaii Dorraad Dhaliilay Safarka Madaxweyne Deni Kismaayo Ku Aaday.

Madaxtooyada Puntland Ayaa Tan Iyo Shalay Abaabulaysay Dad Kala Duwan Oo Ku Nool Magaalada Garoowe Kuwaasi Oo loo Qeybiyay Lacago Si Ay Ugu Jawaaban Mudanayaal Ka Tirsan Baarlamanka Puntland Oo Dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Deni.

Dadkan Ayaa Qaar Kamid Ah Waxay Sheegeen In Aysan Xukuumadda Taageersanayn Islamarkaana Aysan Niyad u Hayn Madaxweyne Deni Balse Ay Lacago Bislaysanayaan.

Sidoo Kale Waxay Sheegeen In Madaxtooyada Puntland Ku Amartay In Ay Xildhibaannadii Hadlay Iyo Odayaashii Bari Ka Hadlay Cambaareeyaan Iyo In Ay Madaxweyne Deni Taageeraan Si Lacagta loo Siiyo.

Sida la Xaqiijiyay Mudda 24-saac ah Ayay Madaxtooyada Puntland Ku Qaadatay In Ay Dadkan Ka Soo Uruuriso Xaafadaha Kala Duwan ee Garoowe Iyo Kaamamka Barakacayaash In Kastoo Ay Dhawr Qof Yihiin.