Eedeysane C/rashid janan iyo sarkaal kale oo la horkeenay maxkamadda g/banaadir
Maxkamadda gobolka banaadir ayaa maanta la horkeenay Eedeysane
Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo
Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray magaalada
Doolow iyo degmada BeledXaawo ee gobolka gedo.
2-dan eedeysane ayaa loo heystaa tacaddiyo ka dhacay Gobalka Gedo intii ay
xilalka hayeen.
Cabdirashid janan oo ahaa wasiirkii hore amniga jubaland ayay dowlada ka
xirtay gudaha garoonka diyaaradaha ee muqdisho xilli uu safar ku ahaa magaalada
adis ababa.
Dilal loo geystay waxgarad iyo siyaasiyiin kale ayaa ka mida eedeymaha loo
heysto cabdirashiid xasan cabdinuur (janan).
Buulle Aadan Maxamed oo isaguna ahaa taliye hogaaminayay ciidamo ku sugnaa
beled xaawo iyo doolow ayaa fuliyay amaro badan kuwaas oo tacadi loogu geystay
waxgarad iyo siyaasiyiin.
Horey magaalada muqdisho waxaa u yimid odayaal iyo waxgarad doonayay
in dowlada faderaalka ay kala hadlaaan sii deynta wasiirkii amniga jubaland
cabdirashiid janan balse uma aysan suuragalin waxgaradkaas in loo sii daayo
c/rashiid janan.
Intii uu wasiirka amniga juabaland ahaa janan waxaa jubaland ka dhacay
xadgudubyo iyo tacadiyo kala duwan,kuwaas oo lagula kacay odayaal.waxgarad,iyo
siyaasiyiin.