hoos u dhac balaaran oo ku yimid suuqyada ganacsiga kenya
Suuqyada ganacsiga kenya ayaa hoos u dhac weyn uu so wajahay ka dib markii suuqyada qaar isaga guureen ganacsatada soomaaiyeed kuwaas oo ganacsigooda u weeciyay dalalka itoobiya iyo turkiga.
Ku dhawaad 2-todobaad ayuu soo socday hoos u dhaca ku yimid suuqyada ganacsiga kenya waxaana uu saameyn ku yeeshey canshuurtii tirada badneyd ee laga qaadi jiray ganacsatada soomaaliyeed.
Ujeedka ay ganacsatada soomaaliyeed ganacsigoda uga weeciyeen ayaa lagu sheegay in ay ka dhiidhinayaan dulmiga ay kneya ku hayso dalkooda,ayna raali ka aheyn in ay dhaqaalahooda ku kobciyaan kenya.
Siyaasiga Faarax Macalin ayaa sheegay in inta badan ganacsatada Soomaalida, maalqabaneeda iyo Qurbe joogta ay ka wareegeen dalka Kenya, una wareegeen dalalka Itoobiya iyo Turkiga.
Magaalooyinka Nairobi iyo islii ayaa aad looga dareemay hoos u dhaca ku yimid suuqyadaas.
Faarax Macalin waxa uu shaaciyey in 50,000 oo Qoys oo Soomaali ah ay deganaansho rasmi ah ka heleen gudaha dalka Turkiga, kuwaas oo markii hore ku noolaa Kenya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ganacsato iyo maalqabeeno badan oo Soomaali ah u wareegsadeen dhanka dalka Itoobiya oo ay ka bilaabeen howlahooda ganacsi,waxaana uu faarax macalin arrintan u sababeeyay siyaasad xumada wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo uu ku tilmaamay mid aad u liidata.
Waxa kale uu intaasi ku daray inuu hoos u dhacay dhaqaalihii dowladda Kenya ka heli jirtay Soomaalida, taas oo uu xuusay inuu sanad ka hor ka digay.
Faarax macalin oo ka mida siyaasiyiinta garabka siinaya kenya ayaa qirtay jabka soo gaaray dalka uu taageerada siinayo,waxaana soo baxay walaac badan oo ay kenya ka qabto hoos dhac hor leh oo ku yimaada dhaqaalaha dalkeeda oo ay laf dhabar u yihiin ganacsatada soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkeeda.
Kenya waxa ay dhaqaalo xoogan ka heshaa suuqyada ganacsiee dalkeeda kuwaas oo canshuur xad dhaaf ah ka qaado ganacsatada ajanaabiita ah oo ay ugu horeeyeen ganacsatada soomaaliyeed.