maqaal: Deni oo ku fashilmay hogaaminta puntland

In ku dhow 10-bilood ayuu xilka hayaa madaxweynaha dowlad goboleedka puntland saciid c/llaahi deni kaas oo 08-bishii janaayo ee sanadkan lagu doortay magaalada garoowe ee xarunta gobolka nugaal.

Deni durba eedeyn ayaa kaga timid waxgaradka puntland taas oo ku saabsan siyaasaddihiisa ku dhisan lab lakaca.

2-jeer ayuu deni tagay dalka itoobiya isaga oo aan weli imaan magaalada caasimadda muqdisho oo ah xarunta dowlada faderaalka,tani waxa ay shaki badan galisay siyaasadda madaxweynaha maamul goboleedka puntland.

Deni ma wuxuu hoos yimaadaa itoobiya mise dowlada faderaalka ee dalka ka jirta?

Wa su’aal ay wax badan is weydiiyeen waxgaradka puntland oo saciid deni ku aaminay hogaaminta maamulka ugu faca ee dalka ka jira marka laga hadlayo dhinaca maamul goboleedyada hoos yimaada dowlada faderaalka.

Kuma koobna deni in uu la soo baxay siyaasad aysan ka fileyn shacabka puntland,hase ahaatee waxa uu noqday mid garab siinaya imaaraatka oo aan xiriir wanaagsan la laheyn dowlada faderaalka ee uu saciid deni hoos imaado.

Deni abu dubai iyo adis ababa waa uu tagay maxay tahay sababta uusan u imaan xaruntii laga xukumayay.

deni ma ka soo baxay masuuliyadii ay u igmadeen shacabka puntland?

Inta badan shacabka puntland waa kuwa aan ka aragti duwaneyn dowlada faderaalka ee dalka xukunta,balse saciid deni isaga oo adeegsanaya magaca shacabka puntland ayuu sheegay in aysan la dhacsaneyn hogaanka haya talada dalka.

deni waxa uu dano gaar ah oo dhaqaale ka fiirsadaa imaaraatka,waxaana uu inta badan ku wareejiyay goobaha dhaqaale ee puntland sida garoonka diyaaradaha boosaaso,dekeda magaalada boosaaso iyo kuwo kale.

Odayaasha gobolka bari waa ay ka soo horjeesteen in imaaratka uu ka macaasho dhaqaalaha magaalada ganacsiga u ah puntland ee boosaaso.