Imaaraatka oo musharax gaar ah u wata danaha uu ka leeyahay dekeda magaalada hobyo

Dowlada imaaraatka ayaa bilowday qorshe kale oo ay ku faragalineyso doorashada la filayo in ay ka dhacdo dowlad goboleedka galmudug.

Imaaraatrka ayaa garbaha ka haya mid ka mida musharxiinta u taagan dowlad goboleedka galmudug waxaana arrintan garab ku siinaya qaar ka mida xisbiyadda ugu waa weyn ee dalka.

Imaaraatka xiriir wanaagsan kalama dhexeeyo dowlada faderaalka ee soomaaliya waxaana uu istcimaalayaa siyaasiyiin ka aragti duwan dolwada faderaalka kuwaas oo kaliya eeganaya dantooda gaarka ah.

Ujeedka ugu weyn ee uu imaaraatku u faragalinayo doorashada galmudug ayaa ah in uu is horistaag ku sameeyo dekeda magaalada hobyo oo ay dhiseyso dowlada Qatar.

Siyaasiyiinta qaar oo arrintan inoo xaqiijiyay ayaa inoo sheegay in imaaraatku uu lacago badan ku bixinayo in madaxweyne uu galmudug ka noqdo shaqsi ka soo horjeesta dowlada faderaalka soomaaliya waxaana uu xisbiyada qaar kala hadlay in ay arrintan ka qeyb qaataan.

Doorashada galmudug waa mid ay leeyihiin shacabka dowlad goboleedka galmudug waxaana shacabku ay dooran doonaan qofkii ay ku aamini lahaayeen hogaanka dowlad goboleedka galmudug.

Imaaraatku weli waxa uu raadinayaa fursado uu colaad iyo Isfahan darro kaga aburo dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo dowlada faderaalka waxaana uu si gaar ah ula saftay maamulka Somaliland taas oo cadeysay sida imaaraatku u doonayo kala qeybsanaanta shacabka soomaaliyeed.

 Ka dib ceyrinta ay dowlada faderaalka dalka ka ceyrisay shirkada dp world ee laga leeyahay dalka imaaraatka waxa uu imaaraatku joogteeyay sidii uu caqabad ugu noqon lahaa hanaanka dowladnimo ee dalka waxaana dhowr jeer uu soo adeegsaday siyaasiyiin dantiisa ka shaqeynaya.

Mowqifka imaaraatka keliya ma ahan in doorashada madaxtinimo ee ka dhici doonta galmudug uu faragaliyo balse ujeedkiisa ugu weyn waa in aysan dhismin dekeda magaalada hobyo ee gobolka mudug taas o ay hubanti tahay in dadka reer galmudug ay baahi balaaran u qabaan.

Imaaraatku waa cadeystay dagaalka uu kula jiro shacabka soomaaliyeed waxaana uu xoojinayaa sidii uu isaga hor keeni lahaa siyaasiyiinta iyo dowlada faderaalka soomaaliya,ujeedka ugu weyn ee uu leeyahay imaaraatku waa ay ka weyn tahay in uu iska hor keeno madaxda talada haysa iyo siyaasiyiinta waxaana keliya uu doonayaa in soomaaliya aysan ka dhismin dowlad xoog leh maadaama uu dhaqaalo badan ka gurto dekadaha berbera iyo boosaaso ee gobolada togdheer iyo bari.