Uhuru Kenyatta” Ciidamadena kama bixi doonaan Soomaaliya “
Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa muddo dheer kaddib ka hadlay mowqifka dowladda Kenya ee ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, Wuxuuna xusay in Ciidamada Kenya aysan ka baxeyn Soomaaliya ilaa ay Alshabaab iska dhiibaan sida uu hadalka u dhigay
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamada Difaaca Kenya ay sii wadi doonaan ka hoos shaqeynta AMISOM ilaa Soomaaliya ay nabad ka noqoto.
Waxaa kale oo uu intaas raaciyay in Howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya uu yahay mid waxa loogu yeedho argagixisada ka hortaagan Gobolka loona baahanyahay in la sii wado.
Hadalka Kenyatta ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo Kenya dhawaan ku fashilantay qaraar ay ku dooneysay in Alshabaab lagu geliyo Qodobka 1267 kaas oo qaba in goobaha AL-shabaab ku suganyihiin gargaar la gaarsiin Karin, lana beegsan karo cidkasta oo halkaas ama dalka dibadiisa ku nool.
Dowladda Soomaaliya ayaa uga guuleysatay Kenya qaraarkaas waxaana Golaha diideen soo jeedinta Kenya, iyadoo Soomaaliya taas beddelkeeda soo jeedisay in Kenya joojiso dhoofinta dhuxusha ee Kismaayo oo ay sheegtay in Alshabaab dhaqaale ka helaan.
Kenya ayaa soomaaliya ku qabsatay Badeeda taas waxey keentay inay soo shaac baxdo colaada kenya ay u qabto umada soomaliya , 2014 ayaa dacwadaan la geeyay maxkamada dunida ICJ .
Dhegeysiga kiiskaas ugu dambeeya ayaa waxaa Maxkamaddu sheegtay in la qabanayo 4ta November ee sanadkan.