KENYA OO MAR-MARSIIYO KA DHIGANEYSA MADAXWEYNAHA MAXKAMADDA CADAALADA ADUUNNKA EE ICJ
Iyadoo 9-ka bishan September ay maxkamadda cadaalada aduunka icj qaadi doonta dacwada ku saabsan muranka ay kenya galisay badda soomaaliya ayay kenya bilowday mar-marsiiyo kale oo ku saabsan madaxweynaha maxkamadda icj cabdulqawi axmed yuusuf.
Urur ay hoggaamiyaan koox Kenyaan ah ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in dhegeysiga kiiska Badda laga reebo Garsoore Cabdi Qawi oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICJ sidoo kalena asalkiisa uu Soomaali yahay.
David Matsanga, waa Guddoomiyaha Madasha Afrikaannimada waxaana uu u dhashay Dalka Kenya,waxaa uu sheegay in Cabdi Qawi uusan si dhex dhexaad ah u geli karin kiiska islamarkaana niyaddiisu la jirto Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha ICJ C/Qawi Axmed Yuusuf ayey Hay’addan Kenyaanka ah ku eedeysay in uu dhowr jeer fagaare ka sheegay sida uu jecelyahay in soomaaliya ay ku guuleysato kiiskan taas oo aanay waxba ka jirin.
Sidoo kale David Matsanga, waxaa uu dowladda Kenya ka codsaday in aysan ka qeybqaadan kiiska dhegeysigiisa uu billaabanayo todobaadka dambe islamarkaana ay banaanka ka joogto.
Hay’addan ayaa sanadkii 2012kii lagu aas aasay Kenya waxaana lagu sheegay in ay tahay mid difaacda qaddiyadaha Afrika sidoo kalena u ololeysa Midowga Afrika.
Kenya waa tabartii ugu danbeysay eek u saabsan kiis dacwadeedka aysan natiijada wanaagsan ka sugen kaas oo todobaadka soo socda ay qaadi doonta maxakamadda cadaalada aduunka.
Dadka sharciyaqaanada ah ayaa sheegaya in ay kenya ka rajo dhigtay in ay wax guul ah ka gaarto dhageysiga labaad ee kiiska dacwadeedka ku saabsan muranka ay galisay badda ay leedahay soomaaliya.
Soomaaliya weli waxa ay rajo wanaagsan ka leedahay go’aanka ka soo bixi doona maxakamadda icj.
Sababta ugu weyn ee ay soomaaliya rajada u leedahay ayaa ah dulmiga ay kenya ku soo qaaday badeeda taas oo ay marqaati ka yihiin dalalka caalamka gaar ahaan mareykanka,ingiriiska,shiinaha iyo dalalka kale ee qaarada afrika.