Taliska Poliska Soomaaliyeed oo xaqiijiyay xariga Cabdirashiid janan

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen. Zakia Hussen ayaa ka hadashay xarig shalay oo ay taarikhda ku beegneed 31/08/2019 loo gaystay wasiirkii hore ee Amniga dowlad goboleedka Jubaland C/Rashiid Xassan Nuur.

Taliye ku-xigeenka ayaa sheegtay in C/Rashiid Xassan Nuur loo haysto dambiyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha waxaa ayna intaasi ku dartay in ay hadda baaritaanka Kiiskiisa ay gacanta ku hayaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Gen. Zakia Hussen oo barteeda tweeter-ka soo dhigtay war qoraal ah ayaa u qornaa sida tan”Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska”.

jaran waxaa loo heystaa dilal badan oo dad rayid iyo masuuliyiin kale loogu geystay deegaanada jubaland waxaana uu lagu tuhunsan yahay in uu ka danbeeyay dilal loo geysto odayaal dhaqameed kuwaas oo siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanada jubaland