Axmed Madoobe oo kismaayo ka dhigay Guri uu leeyahay

Madaxweyanah jubaland  Cabdi Rashiid Maxamed Xidig ayaa shaaciyay in Magalada Kismaayo ay xiligaan ka bilawdeen shirqoolo lagu ugaarsanaayo Xubnihii isbedel-doonka Jubbaland.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in shirqoolkas sidoo kale lala damacsan yahay,Golaha baarlamaanka ay sameysteen isbedel-doonka,Odayasha dhaqanka iyo Shacabka taageersan isbedelka ka dhacay jubaland.

“Dhamaan isbedel doonka Jubaland Waxaan idiin xaqiijinayaa inay bilaabatay Shirqoolo lagu ugaadhsanayo xubnihii isbedel doonka iyo Qaar kamida Xubnihii la doortay, golaha Baarlamaanka , Odoyaasha dhaqanka iyo Guud ahaan Shacabka isbedel doonka ayuu yiri Xildhibaan Xidig”.

Sidoo kale Cabdi Rashiid Maxamed Xidig ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in marnaba aysan jiri doonin cid hor istaagi karta  geediga isbedelka Jubaland ha ahaadaan dowlad, koox, isla markaana ay ka guuleysanayaan.

Musharaxiinta isbedelka doonka ayaa horey uga biyo diiday isdoorasho beenaadkii uu sameystay axmed maxamed islaam taas oo keentay in shacabka jubaland ay door bideen isbedel iyo isogolaansho ka hirgasha jubaland.

Rabitaanka shacabka ayaa aad uga careysiisay axmed madoobe isaga oo hadda doorbidaya in uu shirqoolo ku dilo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay isbedelka ka dhacay jubaland.

Odayaasha dhaqanka ee uu caburinta ku yahay ayaa aad u soo dhoweeyay isbedelka ay sameeyeen musharaxiinta isbedel doonka ee ka soo jeeda jubaland.